Heshiis laga gaaray arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya “Warbixin”

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Kenya iyo hey’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa ku heshiiyay in qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga dhadhabaab iyo Kaakumo.

Sarkaal u hadlay laanta qoxootiga dowladda Kenya u qaabilsan ayaa sheegtay in ay ka go’antahay siddii dib loo celin lahaa Soomaalida ku nool magaalooyinka.

“Waxaan naga go’an in qaxootiga ku nool magaalooyinka dib loo celiyo, isla markaa waxa ku xigi doonta in siddoo kale lagu celiyo waddankooda Soomaaliya” sidaasi waxaa sheegtay Sora Katelo, oo ah madaxa laanta DRA ee Kenya u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Qaar badan oo ah dadka heesta warqadaha ay bixiso UNHCR, oo muujinaya inay yihiin magangalyo doon ayaa sheegay in lagu wargaliyay xaley hey’adda iyo dowladda Kenya inay ku heshiiyeen qoxootiga Soomaalida in ay iska xaadiriyaan xeryaha dhadhaab iyo Kaakumo.

Tallaabadan ayaa ka dambeesay markii qaraxyo xiriir ah ay ka dhaceen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee gobalka waqooyi bari Kenya, waa kuwa aad u buux dhaafay oo go’doon ah, waxana ay hadda hooy u tahay in ka badan 500,000 oo qof.

Arrintan waxa aan ka hadlin dowladda Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa cambaareysay raafka ay ciidamada ammaanka Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi