Heshiiska cusub ee France iyo Itoobiya oo xaqiijinaya tuhunkii dadka Soomaalida

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo ujeedka ay Dowladda Itoobiya ka leedahay ciidamada Badda ay sameysaneynso iyadoo aan qabin wax bad ah kadib is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa waday bilihii ugu dambeeyey dadaal ay ku dooneyso inay ku tababarto ciidamado badda ah oo  aan si rasmi ah loo ogeyn badda ay ku shaqeyn doonaan saldhigna ay ka dhigan doonaan maadaama aysan itoobiya laheyn bad.

Iyadoo ay cabsidaas taagneyd ayaa waxaa safar olole ah Geeska Africa ku yimid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo safarkiisa markii hore kasoo bilaabay Jabuuti ka hor inta uusan booqasho ku tagin dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday iskaashi milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo dhismaha ciidamo badeed, xili Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika maadama Geeska Africa ay lug weyn ku yeelatay Dowladda Shiinaha oo rajeeneyso inay dhaqaale fiican ka sameyso halkaas.

“Iskaashiga dhinaca milatari ee aan la filayn waxa uu bixinayaan jadwal howleed iyo wadada ay France uga taageeri karto Itoobiya dhismaha ciidamo badeed,” ayuu Macron ka yiri shir jaraa’id iyada isaga oo uu garab taagan yahay Abiy Axmed.

“Tan iyo markii aad ra’iisul wasaare noqotay [Abiy Axmed] aragtideena ku aadan Ethiopia si dhab ah ayuu isku badashay” ayuu Macron yiri

Itoobiya ayaa heshiis dhanka badda ah kula jirta dalal ku yaalla gobolka, oo Soomaaliya oo mudo ku dhaw 30 sano aysan ka jirin dowlad xooggan, ay kamid tahay.

Tallaabada uu Faransiiska u qaaday inuu Itoobiya ka caawinayo Tababarka Ciidamada Badda ayaa u muuqato mid suurtagelineyso cabsida ay Soomaaliya ka qabto inay Itoobiya usoo socoto Badaheeda isla markaasna ay halkaas ka dhigan doonto Saldhigyo gaar ahaan Magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Marka ay Dowlad sameysaneyso Ciidamada Badda waxaa lagama maarmaan ah inay ciidamadaas helaan saldhigyo ay fariisimo ka dhigtaan, waxayna qubarada intooda badan qabaan inay Soomaaliya tahay meesha ugu dhow ay Itoobiya damci karto maadaama ay Soomaaliya tahay meel dayacan oo aan laheyn dowlad awood u leh inayi Ilaashato xuduudaheeda Dhulka, Cirka iyo Badda.

Waxaa hadda tuhun weyn laga qabaa inuu Banaanka usoo baxo heshiiska la sheegay inay kala gaareyn Farmaajo iyo Abiy Ahmed kaasoo ah inay Itoobiya maalgashi ku sameysato Afar kamid ah Dekadaha Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaacin kuwa ay yihiin.

Heshiiska la doonayo in Itoobiya lagu siiyo Afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal oo ay maalgashi ku sameysato ayaa dood badan ka dhex dhalisay Shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka iyo Dowladda dhexdeeda, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu Itoobiya siiyey Dekado balse ay arrinta aheyd wada hadal ku aadan inay Itoobiya maalgashi kaliya ku sameysato Dekadahaas.

Tan iyo markii uu dalka Itoobiya Ra’isulwasaare ka noqday Abiy Ahmed, waxay Siyaasadda Itoobiya noqotay mid furfuran oo ay ku dooneyso inay kaalin weyn ku yeelato Mandiqadda Africa gaar ahaan Geeska Africa.

Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii ugu dambeeyey waday dadaalo ay ku dooneyso inay kula wareegto Dekadaha ku yaal Africa, waxayna hadda la kulmi doontaa cadaadis xooggan oo kaga imaanayo dowlado badan oo ay kamid tahay Faransiiska hadda soo baraarugay.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore dhibaato xoog leh ku qabtay dhaq-dhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ka wado Dekadaha Soomaaliya maadaama ay Maamulada Somaliland iyo Puntland la gashay heshiisyo loogu wareejiyey maamulka Dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Dowladda Itoobiya ayaa kaalin weyn ku laheyd heshiiskii ay Imaaraadka Carabta kula wareegtay Dekadda iyo Garoonka DIyaaradaha ee Berbera oo noqonayo saldhig military oo ay leedahay Imaaraadka waxayna Itoobiya ku leedahay Dekadda Berbera Saami dhan  19%.

Ciidamadii Badda Itoobiya ayaa burburay 1991-dii markii gobolkii ka deganaa Eritrea oo ku yaalla Badda Cas, uu ka qarxay dagaal socday 30-sano oo xorriyad u dirirnimo ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com