Video: Ciidamada DF oo ay mushahar la’aan haysato haddana aan hadli karin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xirteen qeybo kamid ah Jidadka Muqdisho.

Ciidamadaan oo ka cabanayey mushaar la’aan ayaa saacado kooban xirtay Jidka Warshahadaha gaar ahaan dhinac hormaro Wasaaradda Gaashaandhigga oo u dhow kuliyadda Jaalle Siyaad.

Ciidamadaan ayaa joojiyey isticmaalka jidkaas kadib markii ay ku jareyn dhagxaan iyo birar, waxayna sheegeyn inaan dhawr bil la siin wax mushaar ah.

Mid kamid ah Ciidamaadaas oo saxaafadda ay su’aalo ku waydiisay meesha ay jarteen ayaa sheegay inaysan helin wax mushaar ah muddo 4 bil ah .

Askariga Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa laga dareemayey cabsi aad u weyn oo ku aadan in shaqada laga joojiyo haddi uu bulshada la wadaago inuusan mushaar qaadan afar bil, wuxuuna dhawr mar kala jaray hadalkiisa isagoo iska fiirinayey dhinacyada maadaama uu cabsi ka qabo in meesha uu xirtay loogu imaado lana xiro.

Ciidamada jidka xirtay ayaa ku labisnaa Dareyska Ciidamada Militariga Soomaaliya, waxayna saacado kadib dib u fureyn jidkaas oo hadda kusoo laabtay sidii caadiga aheyd.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre Shalay sheegay inay xukuumadiisa ku guuleysatay inay mushaarka ciidamada si joogto ah u siiyaan tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Illo wareedyo ku dhow dhow Taliyaasha Ciidamada Dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inaan ciidamada Dowladda qeybaha kala duwan wax mushaar ah la siin muddo afar bil ah taasoo niyad jab ku ah ciidamada Dowladda oo rajo fiican ka qabay inaysan mushaar weyn maadaama Farmaajo madaxweyne laga dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com