“Magaalada BOOSAASO cid leh lama yaqaan”

Boosaaso (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa sheegay in lahaansho aysan ka muuqan magaalada Boosaaso xili maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Waxa uu sheegay in marka la eego magaalooyinka kale Puntland ay ka muuqdaan lahaansho la xiriirta u turid iyo ka shaqeyn amni balse Boosaaso aanay ka muuqan cid lahaanshaha awgeed uga shaqeeya horumarkeeda iyo sugidda amnigeeda.

Sidoo kale Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay in uu necbaystay magaca Boosaaso xili marar badan uu xumaaday amnigeeda taasoo uu sheegay in ay ku badatay weydiimo la xiriirta xaalada guud ee magaalada Boosaaso.

Mar aan tagay magaalada Garoowe Waxaan necbeystay ereyga Boosaaso qofwalba wuxuu ileeyahay gudoomiye Boosaaso kawaran waa baryo xoogaa wax ka siyara noqdeen anna boog bay igu noqotay waan kasoo cararay hadeer oo aan amnigii hagaagijinay leyn kale baa soo baxay oo ah in masaajidadii aan lagu badbaadayn marka magaaladan waxaa ka maqan lahaanshihi

Si kastaba hadalka gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dad badani siyaabo kal duwan u fasirteen iyadoo hadalkanna uu kusoo beegmayo xili falal amni darro ay ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso.

Hoos ka dhageyso codka Dhedo

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com