Shaqaalaha wasaaradaha oo wadada hormarta Villa Somalia laga mamnuucay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka muujiyay culeys ka heesta marista waddada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya kaas oo soo taagnaa mudo ka badan 30 cesho, sida ay Caasimada Online ogaatay

Shaqaalahaan ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, Xafiisyada Baarlamaanka labada Gole, Dowladda Hoose, Maxkamadaha iyo Ciidamada ayaa sheegay in wixii maqribka ka dambeeyo loo sheegay in aysan mari karin wadadaasi laguna joojiyay amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Maqribka kadib ayaa marista wadadaasi waxaa loo ogol-yahay kaliya Wasiirada, Baarlamaanka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Soomaaliya. Lama oga sababta arrintaan dhalisay balse waxaa la arkayay habeennadii ugu dambeeyay.

“Aniga ayaa layga celiyay habeeno badan, barta Control ee Sayidka, iyo Ceel-gaabta, Ciidamadu waxay igu wargeliyeen in habeenkii wasaaradaha laga joojiyay marista wadadaan maxaa yeelay shaqo habeen ma jirto mana la ogola in halkaan la maro”, ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Dowladda oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa la joojiyay dhamaan marista wadooyinka soo gala Madaxtooyada ee kala ah Dhabarka dambe ee Madaxtooyada ee Fifteen May, Caga Dhiig ama Shimbiraale iyo Wadada horumarta Godka Jilacow ee ka soo dhacda Taalada Daljirka Daahsoon.

Ciidamada koofiya casta ee ku sugan barahaas Control ayaa Caasimada Online u sheegay gaari soo galaya ama ka baxaya aysan jirin 2 ka mid ah rugahaasi ciidan, halka mida kale kaliya laga bixi karo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadda kaliya waxaa laga soo galaa kontaroolka Sayidka iyo Ceel-gaabta tan iyo wixii ka dambeeyay Qaraxyadii Madaxtooyada lagu soo weeraray Wasaaradaha amniga iyo Arimaha Gudaha. Markasta oo la wareero Villa Somalia waxaa la sii xiraa wadooyin kale oo markii hore si caadi ah loo mari jiray.

Ilaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya kama hadlin arintaan, sidoo kale ma jirto wax faah faahin oo ay Dowladda Soomaaliya ka bixisay amarkaan lagu soo rogay wadada horumarta Madaxtooyada Soomaaliya. Shaqaalaha dowladda Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in go’aankaan aysan ogayn Madaxda Soomaaliya, waxay ku baaqeen in dowladda Soomaaliya ay ka qaado amarka lagu soo rogay xiliyada habeenkii ah wadadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com