Liiska madaxda dagan iyo kuwa guryaha ka dhistay xaruntii hore ee Ex-Marino

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in lagala noqday dukumintiyo loo sameeystay dhul ay ciidamadii Badda ku lahaayeen degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.

Xeer uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhulkaasi hore u ahaa dan guud haatana la doonayo in caasimada laga dhigo mid la tartanto caalamka.

Eng Yariisow ayaa hay’adaha dowlada Federaalka waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan,kadib markii ay dowlada u wakiilatay maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho in uu Mas’uul ka yahay dhul bixinta iyo fasaxyada.

Waxaa Xarunta la amray in laga baxo dagan Taliyaal Ciidan, Senateero, Wasiiro hore, iyo Cali Maxamed Geedi oo soo noqday Ra’isulwasaare.

Sidoo kale waxaa dagan Siyaasiyiin, Ganacsato, Diplomaasiyiin iyo Dad Mas’uuliyiin ah, waxaana la filayaa inay dhammaan isaga baxaan halkaas.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxda dagan Ex-Marino

1 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Madey Sheekh Nuurey Ufurow
2 – Senator Muse Suudi Yalaxow
3 – Wasiirki hore ee Gaashaandhigga, Jenral C/qaadir Diini
4 – Ra’iisul wasaarihi hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi
5 – Taliyihii hore ee Ciiddanka Badda, Admiral Faarax Axmed Cumar “Faraax Qare”
6 – Taliye xigeenkii hore ee Ciiddanka NISA, C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com