Heshiiska Lafta-gareen iyo mucaaradka K/Galbeed oo jideynaya waddo cusub oo…

Baydhabo (Caasimada Online) – Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-graeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xalay lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada.

Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen, ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed.

Shaqada doorashada ayaa waxaa la wareegaysa oo maamuleysa sida heshiiska ku qoran Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoddobkaas waxaa codsaday mucaaridka, oo ka shikisan in Lafta-gareen uu boobayo haddii isaga loo dhiibo shaqada doorashada.

Muddo kororsiga xalay la sharciyeeyay wuxuu dowladnimada Soomaaliya u furaya dariiq ku darsasho oo heer kasta ah.

Heshiiskan ayaa marka dhinaca kale laga istaago waxa uu khilaafaya Dastuurka Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya, dalkana uu ka jideynayo xeer ku darsasho ayaa haddana waxa uu dhinaca kale dadka reer Koonfur Galbeed u tahay xasilooni looga baaqsan karo inay siyaasiyiinta isku gacan qaadan mar labaad, islamarkaana uu ku bilaaban karo dagaal dhab ah oo goboladaasi looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Mucaaridka Koonfur Galbeed ma awoodi karin cadaadis siyaasadeed oo intaan ka badan maadama dowladdii federaalka ay dhinaca kale aaday.

Waxay arrinta soo gaarsiiyeen mucaaridka Koonfur Galbeed meel macquul ah oo ay tahay in lala hadlo oo waxna lagu heshiiyo.

Koonfur Galbeed waxay hadda u diyaar-garoweysa dagaalka Al-Shabaab, dadka xukunka rabana waxay haystaan waqti ay ku diyaar-garooban.

Deegaanka ayaa wuxuu ka badbaaday gacan ka hadal labaad, Xasan Sheekh-na waxa uu ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, wallow in muddo kororsi la jideeyo ay dhinaca kale dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya.