Shan arrimood oo waaweyn oo horyaalla taliska cusub ee BOOLISKA Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa shalay la wareegay xafiiska, waxaana soo afjarmay dhowr sano oo taliska uu joogay taliye lagu eedeeyay ku milanka siyaasadda iyo u adeegida shaqsi gaar ah.

Jeneraal Sulub, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo muddo ciidanka dhex joogay ayaa waxa hortaala shaqo culus, wuxuuna la wareegay ciidan loo haysto eedo siyaasadeed, dilal iyo tuhumo la xiriira wada-shaqeynta Al-Shabaab.

Sheekadan waxaa kusoo koobeyna waxyaabaha horyaalla taliyaha cusub oo ay tahay in uu wax ka qabto ama mudnaan siiyo.

1. Ka-saarida ciidanka ee siyaasadda: Boolisku waxay si weyn ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, si gaar ah waxay mar isku dayeen inay joojiyaan doorashadii dalka.

Shacab ayay caburiyeen, waxayna ka horyimaadeen qoddob dastuuri ah oo fasaxaya xoriyada isku soo baxyada. Banaanbaxayaal iyo madax ayay weerareen. Aad ayuu dhaqankaas u dhaawacay booliska.

Taliyaha cusub waa inuu beddala ayaa la leeyahay fikirka ciidanka ee u shaqeynta shaqsiyaadka iyo ku milanka arrimaha siyaasadda.

2. Dilalka shacabka: Magaalada Muqdisho dilal joogto ayay boolisku ku lug yeesheen saddexdii sano ee u dambeysay. Dilalkaas dad shacab ah ayaa loo geystay waxay u badnaayeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata.

Baraha amni ee magaalada Muqdisho waxaa jooga boolis. Taliyaha shaqada la wareegay waxaa looga fadhiya wax ka qabashada dilalka joogtada ah ee ciidanka booliska u geystaan shacabka iyo inuu keeno hal abuur cusub oo ay ku kala badbaadi karaan shacabka iyo booliska.

3. Ku-milanka Al-Shabaab: Baraha amni ee Muqdisho ee ay booliska joogaan waxaa si fudud kusoo dhaafa gaadiidka qaraxyada sida kadibna waxay geystaan khasaare laxaad leh.

Shacabka waxay qabaan inuu jiro isku milan u dhaxeeya ciidanka iyo Al-Shabaab, gaar ahaan booliska.

Arrintaas waxaa dhawaan xoojiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta maxaliga ah ayaa sidoo kale duray dhaqaalaha tira beelka ah ee ay haystaan taliyayaasha qeybaha iyo kuwa degmooyinka, taasi oo si weyn u khilaafsan mushaarkooda bilaha ah iyo gunada ay helaan.

Aad ayuu u xoogan yahay tuhunka isku milanka, waana mid kamid ah shaqooyinka culus ee xaqiijinta iyo wax ka qabashada u baahan ee horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya.

4. Amniga caasimada: Jeneraal Sulub oo aad xogagaal ugu ah xaalka magaalada Muqdisho iyo sida uu amnigeeda muhiim ugu yahay shacabka iyo dowladda-ba, waxa uu kusoo beegmay xilli aad xasaasi u ah.

Qaraxii u dambeeyay waxaa lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Taliyaha cusub shaqada ugu badan ee hortaalla waa wax ka qabashada amniga caasimada, iyada oo la fahamsan yahay in Al-Shabaabkii gobolada kusoo jabay inay magaalada soo galeen, sidoo kalana ay isku dayayaan in khasaarihii kasoo gaaray dagaalkii gobolada inay uga aargutaan shacabka magaalada Muqdisho.

Shacabka caasimadu aad ayay u eegayaan taliyaha cusub.

5. Deegaanada laga saaray Al-Shabaab: Goobaha laga saaray kooxda Al-Shabaab waxay u baahan yihiin xasilin. Boolisku waa baahida koowaad ee deegaanadaas.

Iyada oo la ogyahay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, haddana in aanay kooxda kusoo laaban deegaanadii laga xoreeyay waa shaqo weyn oo qeyb kamid ah hortaallo booliska.

Qoddobadaan iyo qaar kale ayaa horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo shalay xilka la wareegay.