Galmudug oo dowlada Qatar u gudbisay dalab la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdollah bin Salem Al-nuaimi.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii dowladda Qatar ay baarlamaanka Galmudug ugu taageeri lahayd mashruucyada horumarineed ee lagu hormarinayo baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu safiirka iyo dowladiisa Qatar ka codsaday in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ku sugan deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa wada dadaalo ay gurmad ugu raadinayaan deegaanada ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ay ka talinayeen.

Qoor-Qoor oo 2-dii bishaan xukunkiisa saddex sano jirsaday ayaa waxa uu maamulkiisa wada howl-galo ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Kooxda ayaa laga xoreeyay deegaano muhiim ah, marina u ahaan jiray howlahood argagixiso, sida degmada Xarardheere oo sidoo kale ah magaalo qadiimi ah ayaa kamid ah goobaha soo galay gacanta maamulka, tan iyo markii ay howl-galada ka billowdeen Galmudug.