Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka taagan xiisad xoogan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saacado qaatay, isla-markaana weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo qaybo kamid ah magaaladaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalka saaka ka qarxay bariga Laascaanood, waxayna Wasaaraddu sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidankooda milatariga.

“Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa kooxda weerarka soo qaaday ku tilmaamtay in ay tahay ‘argagixso’ kuwaas oo lasoo galiyay magaalada, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in ciidamadooda ay iska difaaceen weerarkaasi, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen kooxda soo weerartay.

“Kooxa weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul” ayey raacisay Somaliland.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland ay soo saaraan waxgaradka SSC ee haatan ku shirsan gudaha Laascaanood.