Heshiiskii Maxamed Bin Zayed iyo Erik Prince ee Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Shabakadda The Intercept ee Mareykanka ayaa warbixin dheer ka qortay heshiis ku saabsan Soomaaliya oo dhex maray Erik Prince, oo ah aas-aasaha shirkaddii Blackwater ee ciidamada calooshood u shaqeystayaasha (Mercenaries) iyo Mohamed bin Zayed oo ah dhaxal-sugaha amiirka Abu Dhabi iyo hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan, oo markii dambe meel xun ku dhammaaday, ayaa ku salaysnaa ciidamo Soomaali ah oo Erik Prince uu aas-aasay balse uu maal-geliyey Mohamed bin Zayed, si ay ula dagaalaan burcadda badeeda Soomaalida ee aadka u xoogaystay wixii ka dambeeyey 2010—kii.

Burcad badeedda ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyey danaha Imaaraadka Carabta ee maraakiibta isticmaasha dekedda Dubai, taasi oo Imaaraadka ku qasabtay inay taallbo qaadaan.

Erik Prince ayaa aas-aasay mashruuc gaar ah oo uu ka dhex-sameeyey shirkadda Reflex Response oo uu lahaa, waxaana uu shaqaaleeyey nin lagu magacaabo Lafras Luitingh oo horey uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee South Africa, markii ay xukumayeen caddaanka.

Mashruucan ayaa waxaa lagu shaqaaleeyey ciidamo caddaan calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay dalka South Afrika, kuwaasi oo shaqeyn jiray xilligii caddaanka ee dalkaas.

Prince iyo Luitingh ayaa wada aas-aasay ciidamada gaarka ah ee Puntland ee loo yaqaan Puntland Maritime Police Force (PMPF), si ay ula dagaalaamaan burcad badeedda.

QM iyo ayaa diiwaan gelisay in shirkad uu aas-aasay Luitingh oo la siiyey qanadaraaska dhismaha ciidamada PMPF laguna magacaabo Saracen ay gaystay xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya, iyo dad shacab ah oo la dilay.

Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in mashruucan oo socday laba sano lagu aas-aasay ciidamo ka baxsan xeendaabka sharciga, islamarkaana si toos ah ugu xiran madaxweynaha Puntland.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Intercept in saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraadka Carabta ay boorsooyin ay ka jiraan lacag malaayiin dollar ah ay siiyeen Luitingh si uu shaqadan u fuliyo.

Heshiiska Imaaraadka iyo Erik Prince oo qarsoodi ahaa, yaa soo shaac baxay markii Erik uu ku faanay shaqada uu qabtay isaga oo wareysii siiyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka sanaddii 2012.

Prince ayaa wareysiga Fox News raadiyey bishii Febraayo ee 2012, isaga oo siiyey nin lagu magacaabo Oliver North oo ay ciidamada iskala tirsanaan jireen, balse Fox News u ahaa taxliiliye arrimaha militariga ah.

Waxa uu wareysiga ku amaanay ciidamada Puntland ee PMPF isaga oo shaaca ka qaaday in Imaaraadka ay ka dambeeyeen mashruuca.

Dareenka dhanka warbaahinta ee kusoo jeestay, ayaa aad uga carreysiiyey dowladda Imaraaadka Carabta, sida laga soo xigtay mid ka mid ahd adka aadka ugu dhow Erik Prince.

Mashruuca ayaa la joojiyey wax yar un kadib markii askari Soomaal ah uu dilay mid ka mid ah ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee South African-ka, intii lagu guda jiray mid ka mid ah howl-galladii ugu horeeyey ee ciidamada PMPF.

Askariga Soomaaliga ee dilka gaystay ayaa qaraabo la ahaa burcad badeed ay ciidamada caddaanka ee shirkadda Saracen horey ay dileen.

Ciidamada Saracen ayaa bilowgiiba lagu dhex-milmay, taasi oo ahayd guul-darro ku timid xeerarka aas-aasiga ee ka hortagga sirdoonka, sida uu qiray sarkaal horey uga tirsanaa CIA-da oo wareysi bixiyey.

QM ayaa goor dambe werisay in xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin ciqaab adag, dhaawacyo halis ah iyo dhimasho ay ka dhaceen xeradii lagu tababaray ciidamada PMPF ee South African-ka caddaanka ay maamulayeen.

Robert Young Pelton oo Erik Prince kala shaqeeyey mahsruuca Soomaaliya kadibna ka caawiyey qorista buuga taariikh nololeedkiisa ayaa Prince ku qeexay nin mala’waal ku nool, oo leh maskaxda 12 jir, islamarkaana jaceyl isaga qaaday ciidamadii caddaanka South African-ka ee ka qeyb galay dagaaladii xumaa ee dalkaas.

Pelton ayaa sheegay in markii uu Prince markii ugu horreysay tusay qarriiadda mashruuca ciidamada amniga PMPF, uu ogaaday in Prince uusan weligiis tegin Soomaaliya.

Prince ayaa Pelton u sheegay in fikradda la dagaalanka burcad badeedda uu ka helay  aqrinta buugga “Xeebta Burcad-Badeedda” ee laga qoray howl-gal sir ah oo Mareykanka ay sanaddii 1805 kula dagaalameen burcad badeeddii xeebaha Libya.

Mashruucii uu sameeyey Erik Prince ee la-dagaalanka burcad badeeda ayaa waxaa si la mid ah mashruucyadiisii hore la degay wax is-daba marin maaliyadeed.

Sida laga soo xigtay laba qof oo qeyb ka ahaa, ugu yaraan 50 milyan oo dollar oo loogu talo-galay ciidamada la dagaalanka burcad badeedda ayaa la waayey, waxaana kadib Imaaraadka ay go’aansadeen inay joojiyaan maal-gelinta mashruucan.

Waxaa sidoo kale mashruuca lagu xaday oo aan mar dambe dib loo arag dhowr diyaarado dagaal, diyaarad xamuul, laba diyaarado qumaatiga u kaca ah iyo dhowr maraakiib.

Ka hor inta aysan Imaaraadka ku amrin inuu mashruuca joojiyo, Prince ayaa waxa uu sarkaal sirdoon oo hore u xil saaray inuu baaritaan ku sameeyo barnaamijka ciidamada PMPF.

Prince ayaa ogaaday in la waayey 38 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay u dhiibeen Luitingh, taasi oo loogu talo-galay ciidamada South African-ka.

“Waxaan u sheegay Prince in Luitingh iyo ciidamada South African-ka ay lunsadeen 38 milyan oo dollar.” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ahaan jira shaqaalaha Prince.

Muddo lix bilood ah oo kasoo billaabata dabayaaqadii 2011, wargeyska New York Times ayaa kashifay in Maxamed Bin Zayed uu si tartiib ah uga joojiyey Prince masharuucii lka dagaalanka burcad badeedda, sababo la xiriira markii warbaahinta ay ka war heshay.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com