Wararkii ugu dambeeyay qarax maanta ka dhacay magaalada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo sababay dhaawacyo ciidamada soo gaaray.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Bari Mudane Abuukar C/Naasir, waxaana waxyeelo ay soo gaartay ciidamo ilaaladiisa kamid ah.

Wararka kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaacmay mid kamid ah taliyaha ilaalada maxkamadda ciidamada iyo shaqaalo ka tirsan maxkamadda, kuwaasi oo qaarkood halis lagu sheegay dhaawacooda.

Guddoomiyaha gaarigiisa qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo maalmahaan madaxda dalka ay kulamo lu lahaayeen.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, iyadoo aysan jirin cid sheegatay masuuliyadda ilaa iyo hadda.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii miino dhulka lagu aasay uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasi oo lala eegtay guddoomiyaha gobolka Bari.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com