Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shalay aheyd magaalada Muqdisho ay heshiis ku gaaren Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa Heshiiskaasi ka hadlay Xildhibaan hore Axmed Ducaale Geele Xaaf.
Xaaf ayaa sheegay in Heshiiska Muqdisho ku dhexmaray C/kariin Guuleed iyo C/wali Gaas uu yahay mid wax kama jiraan ah, sida uu hadalka u dhigay Xaaf.
Xaaf waxa uu intaa ku daray in Heshiiska uu yahay mid ay ka danbeysay Beesha Caalamka isla markaana aan aheyn mid rabitaankooda ku imaaday.
“Ma u maleynaayo in Heshiiska Muqdisho ku dhexmaray Gaas iyo Guuleed uu miro dhalidoono waayo Heshiisku maheyn mid ku imaaday rabitaanka labada Hogaamiye”
“Heshiis ma orankarno waxa shalay ka dhacay Muqdisho waayo hadii ay daacad ka tahay waxa ay hirgalin lahaayen Heshiisyadii hore” ayuu yiri Xaaf.
Xaaf waxa uu sidoo kale sheegay in Magaalada Gaalkacyo aysan degi doonin ilaa loo heshiiyo si ay daacadnimo ku dheehan tahay.
Docda kale Xaaf waxa uu ku baaqay in dadka degan magaalada Gaalkacyo ay iskooda u heshiiyaan maadaama labada Hogaamiye ay maslaxadooda u muuqato.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

