HirShabelle iyo GalMudug maxey ka bi’iyeen V/Somalia?

Dowladda dhexe oo ah tan dalka hogaamisa marna uma ogolaan dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug in ay horay usocdaan,waxeeyna 2dii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalo iyo waqtiba ku bixineeysay sidii labadaa dowlad goboleed ay ufashilin laheeyd.

Waxaad mooddaa in ay ula macaamilaan labadaa maamul in ay ku dhaqan yihiin dad iyaga horay cadaawad kala dhaxeysay oo kale,waana u ayaan darro ficillada ay u muujiyeen dadka labadaa deegaan kasoo jeeda.

Waxeey labadii sano saareen cunaqabateen dhaqaale oo ay marna si cadaaladeysan ku siinin dhaqaalihii ay xaqqa u lahaayeen,xittaa waxeey hor istaageen cunnooyinkii hay’adaha deeqaha bixiya keeneen dalka in deegaannadaa loogaarsiiyo si cadaalad ah .

Waxeey labada maamulba ku shaqeynayeen culaasyadaa adag iaygoo kaashanaya shacabka kuwadooda fahamsan waaqiciga ay kujiraan.

Hirshabelle iyo Galmudug waxaa markasta loo adeegsanayay kuwa kasoo jeeda oo iyaguna ujeedkoodu yahay xoogaaga yar ay ku helayeen in ay deegaannadaa ay abuuraan khilaafyo sokeeye.

Waxaan lawadaagayaa dhamaan dadka kasoo jeeda labadaa dowlad goboleed in ay ilaashadaan maamulladooda iskana dhax saaraan kuwa calooshood ushaqeeysta yaasha ah ee markasta khilaafyada u horseeda.

( Hirshabelle iyo Galmudug maxeey ka bi’iyeen madaxtooyo?)
Waa su’aal taagan oo aragtideyda ah una baahan in jawaab loo helo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid