Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo u midoobay ka hortagga Kenya iyo difaaca qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirar wada tashi ah oo maalmihii u dambeeyay Suxufiyiinta Somaliyeed uga socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay maanta oo ay Taariikhdu tahay 20/6/2019 waxaana ka qeyb galay Tifaftireyaal, War-dooneyaal, Soo-saarayaal, Qoraayaal, Milkiilayaal Warbaahineed, Wariye-yaal rug-caddaa ah iyo hawl-wadeenno kale oo warbaahineed.
Shirka inta uu socday waxaa si wayn looga dooday muhimadda ay leedahay tabinta wararka ku saabsan maslaxadda Qaran ee Waddanka, iyadoo la soo hadal qaaday arrinta badda Soomaaliya ee ay Kenya nagu haysato iyo sida ay tahay in Warbaahinta Soomaaliyeed u tabiyaan.
Waxaa laga hadlay muhiimadda danta guud ay leedahay iyo sida warbaahintu ay laf dhabar ugu tahay difaaca danaha Qaran, waxaana la isku raacay qodobada soosocda:
1. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed aysan dhexdhexaad ka noqon karin qadiyadda la xiriirta difaaca dalka.
2. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay iska hubiyaan xaqiiqada wararka ay daabacdo Warbaahinta Kenya ee ay soo xigato Warbaahinta Soomaaliyeed.
3. Laga bilaabo maanta in Warbaahinteenu aysan adeegsan erey bixin aan u danneyneyn danta dalka Soomaaliyeed sida ( muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya) ee taas badalkeeda la isticmaalo ( Badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay).
4. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay ka foojignaadaan tabinta wararka aan caawineynin nabadda iyo wada noolaashaha.
5. In la sameeyo Barnaamijyo iyo Wareysiyo joogto ah oo laga qeyb galinayo dadka indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed sida Sharci-yaqaanada.
6. in Dowladda Soomaaliyeed ay Wariyeyaasha siiso xogaha muhiimka ah ee jira iyada oo abuureysa bar loogu soo hagaago xogaha ku saabsan arrimaha Badda si looga fogaado in xog been ah ay Bulshada gaarto.

7. In si qotto dhaw loola socdo Saxaafada adduunka waxa ay ka qoraan gaar ahaan qadiyada Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com