Bulshada gobolka Awdal oo ka horyimid ka qeyb galka doorashada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa markii u horeysay ka hadlay Saami qaybsiga doorashada ee bulshada Gobolka Awdal.

Xildhibaan Abuubakar ayaa sheegay inay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal aysan ka qeyb galeyn doorashooyinka Somaliland, ilaa inta laga xalinayo saami-qaybsiga.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shir uu dhowaan ku baaqay Boqor Buurmadow, isagoona eedeymo u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri:

“Reer Awdal sodon sanno ayey doonayeen in saami qaybsi doorashada lagu galo, oo la siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin, Doorasho dambe oo aan saami qaybsi lagu galina anagu reer Awdal ahaan ma galayno, waa in la sameeya Saami-qaybsiga, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne adiga ayaa maanta ah Masuulkii qaranka u sareeya, adiga ayaa Madaxweynihii qaranka, in badan baad ololaha ku gashay saami qaybsiga inaad sameeysanayso, ee maanta maxaa ku bedelay”.

“Madaxweyne si kasta oo aad isku tidhaahdo u baaji saami qaybsiga, kaa yeeli mayno, reer Awdal doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya inay galaan diyaar uma ah, 13 kursina kuma qanacsana, ee saami qaybsigu yaanu kula cuslaan, ee adiga ayuu ka go’aa, ee ka badheedh oo ku dhiiro”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynihii qaranka, waxaa looga baahan yahay inuu wax walba ka fiirsado, oo aanu ku deg degin hadalada qaar, mar haddii uu Madaxweynuhu dambiile ku sheegay boqor buurmadaw, waxaa laga doonaya inuu ku caddeeyo dambigiisa, si sharciga loo hor keeno”.

“Shirarka waa la qabsan karaa, oo Beeluhu masiirkooda wey ka shiri karaan, Shirarka Beeluhu maaha Shirar qaranka lagu duminayo ee yaanay Xukuumaddu sas iyo baqdin ka qaadin”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com