Faysal Cali oo shaaciyey sababta ay reer Somaliland u naceen doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, isagoona fariin u direy musharixiinta ka qeyb galaya doorashooyinkaasi.

Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey in Bulshada reer Somaliland ay naceen doorashooyinka, taasi oo uu ku sababeeyay inay waayen wax isbadel ah.

Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan soo kordhiyeen shuruudo cusub, wuxuuna yiri:

“Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa doorashadii waa ay inoo dhacaysaa waxaan leenahay ha la diyaar garoobo, baarlamaankeena iyo dawladaheena hoose wakhtigoodii waa uu dhamaaday haduu wakhtigu dhamaadana waa inay ka baxaan meesha toban sano ayaynu sugaynay inaan baarlamaan cusub helno”.

“Waxaanu leenahay cidii doonaysa inay iska sharaxdo xisbiga Ucid waanu bilaabaynaa diiwaan-galintii, soo keensada shaqadiina waa la bilaabayaa, waan ognahay shacbigu doorashada waa ay naceen wax is badal ah ayay waayeen”

Wuxuuna intaas kusii daray “Doorkan waxaan doonaynaa baarlamaan fiican iyo dawlado hoose oo fiican inaga oo ka faa’idaysanayna khaladaadkii hore oo doonayna qofka aynu xilka u dhiibayno inaan damiirkiisa eegno dhaqaalihiisa iyo akhlaaqdiisaba aan eegno”.

“Shuruudo ayaan soo kordhinayaa aan doonayno inaan la wadaagno laba xisbi oo hadhowna aanu ka dhigno shuruudo qaran. Shacbiga Somaliland waxaanu leenahay diyaar garooba diiwaan-galintii dhakhso ayaa loo galayaaye”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com