HirShabelle oo fashilisay qarax iyo raggii watay oo lagu qabtay JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka HirShabelle ayaa xalay howl-gallo lagu xaqiijinayey amniga ka sameeyey magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha magaaladaasi.

Inta uu socday howl-galkan ayaa waxa ay ciidamadu isku fidiyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howl-galladaasi ku soo qab qabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Hantiwadaag.

Saddexda qof ee la qabtay ayaa watay qarax miino iyo bistoolad, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka ciidamada nabad sugida ay qarxiyeen miinada, iyada oo aan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay oo lagu xiray saldhigga Booliiska Jowhar ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan HirShabelle lagu dhaawacay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladaasi.