Jubbaland oo fashilisay qarax lagu dili rabay ganacsade

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay ka hortageen qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ka soo baxay hay’adda nabad sugida Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay xalay fiidkii hore hore fashiliyeen qaraxaasi, islamarkaana lagu guuleystay in laga furo gaariga, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii,” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ee Jubbaland.

Sidoo kale hay’adda ayaa u mahadcelisay dadkii shacabka ee la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, islamarkaana la soo wadaagay xogta qaraxaasi la fashiliyey.

Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey si gaar ah loogu beegsanayey ganacsatada, iyadoo laamaha amniga ay dhankooda wadaan baaritaan dheeraad ah.