Rooble oo beesha caalamka siiyey mowqif la xiriira qabashada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir gaar ah la qaatay wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, kaas oo looga hadlayey dar-dar gelinta hir-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankaas ka sheegay in xukuumadiisa ay ka go’antahay qabashada doorasho si nabdoon dalka uga dhacda, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta habka ay u dhaceyso doorashadu.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay is dejiyaan aniga oo masuul ka ah xukuumadda federaalka, waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo oo aan kala hadlo wixii cabasho ah oo ay dareemayaan,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in musharaxiinta cabashada ka qaba doorashada uu diyaar u yahay inuu la fariisto oo uu wax ka qabto tabashadooda, xafiiskiisuna uu u furanyahay.

“Walaalaha yaga cabashada ka qaba doorashada, waxaan u sheegayaa inuu u furanyahay albabaabkeyga, diyaarna aan u ahay inaan xal waara ka gaarno cabashadiina, waxaan idin leeyahay is dejiya, looma baahna in xasarad dadka lagu kicinaayo la abuuro, aan wada dhowrno shacabka reer Muqdisho iyo hantidooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ee ku xiran Villa Somalia ay soo saareen jadwal doorasho, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid dhaqan-gelisay.

Hoos ka dhageyso