Xog: Xildhibaanada BF oo muddo hal sano ah loogu kordhiyay aqoonsiyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in muddo hal sano ah loogu kordhiyay kaararka aqoonsiga oo sanadkan dhammaadkiisa ka dhacay baarlamaanka.

Xildhibaaanada aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in taariikhda ID Cards-kooda oo ku ekaa 27-ka December ee sanadkaan, xiligaas oo ah markii la dhaariyay sanadkii 2016-kii.

Dad badan ayaa is weydiinaya mar haddii kaararka aqoonsiga jiritaankooda lagu daray hal sano oo dheeraad ah, intee ayey sii joogi doonaan xildhibaanada?

Inkastoo waqtiga baarlamaanka dhamaaday ayaa haddana dhowaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay sii jiri doonaan illaa laga helo baarlamaan beddala.

Iyadoo uu dhamaaday waqtiga baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asna waxaa u harsan 43 maalin walina ma jirto doorasho la isku raacsan yahay oo dalka loo jihiyeeyay.

Marka madaxweynaha xilka ka dhammaado ayaa laga cabsi qabaa in dalku xaalad halis ah galo, ayada oo mucaaradka aysan wixii markaas ka dambeeya Farmaajo u aqoonsan doonin madaxweynaha, islamarkaana kula loolami doonaan wax walba.