CC Shakuur oo si kulul uga hadlay dadkii dibad-baxayey ee maanta la rasaaseeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo soo saaray war qoraal ah ayaa si adag uga hadlay xaaladda adag ee  magaalada Beledweyne iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maanta ka jira magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in marka hore uu cambaaraynayo falal uu sheegay in lagu caburinayo shacabka reer Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada AMISOM in aan loo adeegsan dano gaar ah, gaar ahaan in lagu meel-mariyo danaha madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in la rasaaseeyo dad shacab ah oo dibad-baxaya, isaga oo tilmaamay in arrintan ay tahay danbi hirgalay intii uu xukunka hayey madaxweyne Farmaaj, sida uu ku sheegay qoraalka uu soo saaray.

“Shacab dibad baxaya oo la xabadeeyo waa danbi hirgalay intii uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in Ciidanka AMISOM ay ka amar qaataan Madaxweynaha,” ayuu sii raaciyey CC Shakuur.

Ugu dambeyn wuxuu Alle uga baryey inuu caafimaad deg-deg ah siiyo dadkii maanta ku dhaawacmay dibad-baxayadii ka dhacay magaalada Beldweyne ee la rasaaseeyey.

“Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor nin hubeysan uu dad shacab ah oo dhigayey dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha uu ku rasaaseeyey magaalada Muqdisho.