Puntland oo digniin adag soo saartay xilli xiisad culus ay taagan tahay (Aqriso)

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray banaan-bax rabshado wata oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo uu hogaanka maamulkaas ku tilmaamay mid laga leeyahay dano gaar ah.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka dhigaya banaan-baxyada rabshadaha wata ee wadooyinka muhiimka ah ku gubay taayirada.

Waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan marnaba aqbaleyn in dad dhigaya banaan-bax ay waxyeelo u geystaan laamiga, isla markaana ay fowdo iyo bur-burin ku sameeyaan goobaha Ganacsiga.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka banaan-baxa dhigayay ay soo abaabuleen dad shar-wadayaal ah oo doonaya inay dalka burbiriyaan, isagoona faray in ciidamada amniga ay gacanta kusoo dhigaan cid kasta oo fowdo iyo waxyeelo gaarsiineysa dalka.

“Ciidamada Booliska waxay ku amran yihiin inay gacanta ku dhigaan tallaabana ka qaadaan qofkii laami guba si sharciga loola tiigsado” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in dadweynaha dhigayey banaan-baxyada ay ku jiraan dad uu ku sheegay “nabad-diid”, isla markaana laga soo abaabulo meelo kale.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xili uu banaan-baxii shalay madaxweynaha Puntland ku tilmaamay mid ay soo abaabuleen gacmo shisheeya, kadib markii ay banaan-baxayaal careysan ay shalay dhulka dhigeen boorar uu ku dhagaan sawirka Deni.