Is-rasaaseyn maanta mar kale ka dhacday Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn xoogan oo goordhoweyd ka dhacday Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka.

Is-rasaaseyntan ayaa waxay dhex-martay ciidamada Booliska iyo kuwa Millateriga ee dowladda, kadib markii ciidamo millateri ah oo watay mootooyin ay rasaas kor u rideen, midaasi oo keentay in labada ciidan uu iska hor-imaad dhex-maro.

Ciidamad booliska ee ku sugnaa isgoyska Ex-Koontarool ayaa ka shikiyey rasaasta ay fureen ciidamada millateriga, iyada oo is-rasaaseynta labada dhinac ay muddo socotay, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Xiliga uu iska hor-imaadkan dhacayay ayaa waxa gebi ahaanba mashquul ahaa isgoyskaas, taasi oo uu hakad galiyay is-rasaaseynta labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaaseyntaasi ay ku dhaawacmeen ilaa inta la xaqiijiyey lix qof, oo afar kamid ah yihiin shacab, halka labada kalena ay ahaayeen ciidanka millateriga ee ugu horeyntii rasaasta furay.

Waxa gebi ahaanba hadda degan xaalada guud ee Isgoyska, kadib markii ay goobta iskaga baxsadeen ciidamada millateriga ahaa ee markii hore furay rasaasta, isla markaana sababay iska hor-imaadka labada dhinac.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysay iska hor-imaadka noocan oo kale ah ee dhexmara ciidamo ka wada tirsan dowladda,  kuwaasi oo inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto shacabka