Sawiro: Qoor Qoor oo gaaray Garowe + Ujeedka safarkiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Qoor Qoor iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullahi Deni & mas’uuliyiin kale.

Ujeedka safarka madaxweynaha Galmudug ayaa la xiriira ka qeyb-galka madasha doodaha ee machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Garoowe, kaas oo ajandihiisu yahay sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sido kale waxaa shirkan ka qeyb-galaya guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka ee doorashada 2021-ka.

Shirka madasha aragti-wadaagga ee sanadlaha ah ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ka jiro khilaaf xoogan oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.