Hogaamiyaasha Yurub oo go’aanno culus ka gaaray bahdilkii Trump ee Zelensky

London (Caasimada Online) – Kaddib kulan deg-deg ahaa oo ay Axaddii shalay isugu tageen London, ayay Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo 18 hoggaamiye oo reer Yurub ah kasoo saareen qodobo rajo-gelinaya difaaca iyo amniga dalka Ukraine.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa shirka kaga dhawaaqay go’aanno ka kooban afar qodob oo lagu rabo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine laguna taageero qarannimada Ukraine.

Starmer wuxuu sheegay in qorshahaasi, oo ay iskala shaqeeyeen Faransiiska iyo Ukraine, ay qodobadiisu kala yihiin:

1- In la sii joogteeyo gargaarka la siiyo Kyiv, iyo in Ruushka lagu sii hayo cadaadiska dhaqaale si taasi ay gacan u siiso Ukraine.
2- In la xaqiijiyo in dowladda Ukraine ay goob joog ka ahaato miis walba oo looga gorgortamayo aayaheeda.
3- In heshiis walba oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine.
4- In la sii wado kaalmooyinka hubka ee Ukraine si ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska wuxuu sheegay in Yurub ay hadda taagan tahay isgoys taariikhi ah, isla markaana aan la joogin waqtigii hadalka, balse ay tahay xilligii waxqabadka iyo midnimada.

Shir-madaxeedkii Axaddii ayaa soo gabagabeeyay toddobaad diblumaasiyadeed oo xamaasad leh, kaasoo ay ku jireen booqashooyin ay Washington ku yimaadeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo Madaxweynaha Ukraine Zelensky.

Kulankii uu Zelensky la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa JD Vance ayaa kusoo dhammaaday hadallo kulul oo ay dhinacyadu is weydaarsadeen, kaas oo si toos ah looga daawanayay shaashadaha caalamka.

Trump ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha Ukraine inuu ku khamaarayo dagaal saddexaad oo dunida ka dhaco.