Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo ‘diiday’ inuu la kulmo Kheyre

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu haatan kulan gaar ah xarunta madaxtooyada Galmudug uga socdo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali iyo Khayre iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Kulanka oo uu albaada u xiran yahay ayaa waxaa looga hadlayaa israsaaseyntii xalay ka dhacday magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo iska diiday ka qeyb galka kulankaasi, waxaana la sheegay inuu dalbaday in dowladda federaalka ay jawaab ka bixiso shaqaaqadii xalay.

Ahlu Sunna ayaa horay u sheegtay in weerar lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay, islamarkaana la damacsanaa in la waxyeelo xildhibaanada ay soo xushay.

Dhankooda saraakiisha dowladda oo iska fogeeyey eedeyntaasi ayaa tilmaamay in ciidamada Ahlu Sunna ay rasaas ku fureen gawaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa dowladda iyo xildhibaano federaalka ah, xilli ay marayeen agagaarka xarunta Inji.

Xaaladda ayaa maanta dagan, balse waxaa Dhuusamareeb laga dareemayaa raad uu reebay iska hor imaadkii xalay oo ku soo aaday, xilli uu markiiba Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre uu ka degay magaaladaasi.

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay degmadaan ayaa waxaa sii badanayey isku dhacyada labada ciidan oo marar badan isku rasaaseeyey halkaasi.