Xildhibaanada BF Somalia oo ansixiyey miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2020

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.

Sharcigaan ayaa waxaa gola Golaha Sharci dajinta ee labada aqal horgeeyay wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay ansax tahay, islamarkaana waxaa uu u mahadceliyay Xildhibaanada labadda Aqal.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la xusuusta in horay ay Miisaaniyadda ay ansixin jireen oo kaliya Golaha Shacabka.