Sawiro: Gudoomiye Mursal oo hal arrin u ballan qaaday madaxweynayaashii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay gurigiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheeekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa loo hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sida ugu habboon ee looga guul-gaari karo caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira dalka.

Sidoo kale hoggaanka madasha xisbiyada ayaa afhaayeenka golaha shacabka kala hadlay arrimo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka, iyaga oo u gudbiyey cabashadooda ku aadan qodobka muddo kororsiga ee ku jira sharcigaasi.

Ilo ku dhow kulaankaasi ayaa Caasimada Onlin u xaqiijiyey inuu guddoomiye Mursal u ballan qaaday madaxweynayaashii hore in meesha laga saarayo qodobkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la’isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkasoo socda ee 2020-2021.

Waa kulankii ugu horreeyey ee labada dhinac yeeshaan, wuxuuna muujinayaa inuu xiriir cusub u bilowday madasha xisbiyada iyo guddoonka golaha shacabka.

Shirkaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay hoggaanka xisbiyada dalka ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ku eedeynayeen inay ka shaqeynayaan muddo kororsi hor leh.