Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo guddi loo saaray dagaalkii xalay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay tahay mid degan, kadib markii xalay ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo ilaalada hoggaanka Ahlu Sunna.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa hadda caadi ku soo laabtay, inkastoo ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dhuusamareeb, islamarkaana uu iska hor imaadka ku soo aaday markii uu ka degay degmadaasi ayaa kulan deg deg ah xalay la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo saraakiisha ciidanka dowladda, isagoo wax ka weydiiyey dhacdadaasi iyo waxa sababay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kiiskaasi loo saaray guddi gaar ah oo soo baara, sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale Ahlu Sunna ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay, islamarkaana la damacsanaa in la waxyeelo xildhibaanada ay soo xushay.

Saraakiisha dowladda ayaase dhankooda iska fogeeyey eedeyntaasi, waxaana ay sheegeen in ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay rasaas ku fureen gawaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa dowladda federaalka, xilli ay marayeen agagaarka xarunta Inji.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac ay isku rasaaseeyaan Dhuusamareeb, tan iyo markii ciidamada dowladda la geeyey gudaha magaaladaasi