Xog: Dowladda oo sabab u noqotay in 7 isbaaro la soo dhigto Warsheekh

Warsheekh (Caasimada Online) –  Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyo ah ayaa 7 isbaaro dhigtay degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online ayaa ogaatay in isbaarooyinkaan oo dhan la soo dhigtay kadib markii degmadaasi ka baxeen Ciidamada AMISOM, islamarkaana ammaanka degmada lagu wareejiyay ciidan Milateri ah.

Milaterigii lagu wareejiyay ammaanka degmada waxay ceel degmada ku yaalla ka furteen Matoor biyaha sifeeya. Sidoo kalane waxay baliliqeesteen agabyo ciidan iyo kuwa difaac oo ay ka tageen ciidanka AMISOM.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidankii Milateriga ee degmada lagu wareejiyay ay dhamaantood dib uga baxeen, waxayna arrintaas sabab u noqotay in maleeshiyaad iyo ciidan dowladeed oo aan la ogeen cidda ay ka amar qaataan ay isbaarooyin soo dhigtaan degmada.

In ka badan 30 gaari ayaa hadda ku xanniban degmada Warsheekh duleedkeeda, kuwaas oo laga rabo lacag kumanaan dollar ah, oo aysan awoodin inay iska bixiyaan.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxayna saameyn ku yeelatay gaadiid isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada, ee qaarkood halkaas mara.