Maxaa ka jira in qoyska Muuse Biixi ay dacwad ka gudbiyeen Faysal Cali?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmihii dambe aad u wareegayay warar sheegaya in Dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe ay gudbiyeen Qoyska Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka cabanaya dhaliilo uu u jeediyay.

Sida Caasimada Online ogaatay dacwadaasi ayaan weli si rasmi ah u gaadhin Hay’addaha garsoorka, iyadoona wax ogeysiin ahna loo dirin Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Faysal ayaa hore wuxuu Muuse Biixi iyo Qoyskiisa ugu eedeyay inay dhaqaalihii Somaliland gacanta ku haystaan, isla markaana la wareegeen mashaariicdii, kuwaasi oo ka dhigtay Tukaan ay leeyihiin Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muuse Biixi qoyskiisii, carruurtii uu abtiga u ahaa, walaalladii iyo dadkiisii oo dhana waxay galeen ganacsigii oo waddanka dhaqaalihiisii ayuu gacanta ku haystaa, Waa la caddaynayaa inta mashruuc ee ay qaateen oo waa la hayaa wax qarsoona maaha”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Illaa iyo maantana inta qof ee ehelkiisa ah ee uu meel yar xanjo ugu dhajiyey waa la hayaa waanan ka xishoonaynay markii hore, laakiin haddii uu isagu xishoon waayey waa la is qaawinayaa waana lays kashifayaa.”

Faysal Cali Waraabe oo wax laga weydiiyay dacwadaasi ayaa waxa uu sheegay in uu warkaasi suuqa ka maqlay, balse ay rasmi ah u soo gaarin, wuxuuna yiri “Waan maqlay arrintaasi oo suuqa ayaan ka maqlay”.

Dhinaca kale Gaashaanle Sarre Faysal Xiis, Taliyaha ciidanka dembi baadhista Somaliland oo isaguna dacwadaasi jiritaankeeda wax laga weydiiyay ayaa sheegay inuusan maqlin dacwadaasi, wuxuuna yiri “Anigu ma maqlin mana ogi dacwadaasi aad sheegaysaan”.

Cabashada ay Faysal Cali Waraabe ka qabaan qoyska Muuse Biixi ayaa waxa muuqata in wado kale oo ka gedisan midka tooska ah ay u marayaan, midaasi oo dhowaan iyadu soo shaac baxday kadib markii xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ay shaaciyeen in dacwad ka dhan ah Faysal Cali ay gudbinayaan.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa inta badan isku deyda inaysan si toos ah u beegsan iyadu Mas’uuliyiinta ay wax ka tirsaneyso balse u soo dhex-marta kiisas kale iyo eedeymo ay kula tiigsaneyso sharciga.