Sii deynta xoghayaha Ucid oo shuruud lagu xidhay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta shaaciyay shuruud uu ku xidhay sii deynta Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Ucid, oo u xidhan hadalo deel-qaaf ah oo uu ka tirsanayo Guddoomiyuhu.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in xadhiga Xoghaye Ramaax uu yimid kadib markii uu dacwad ka dhan ah ka gudbiyey, isagoona beeniyay eedeymo kale oo lala xidhiidhinayey in uu Ramaax u xidhan yahay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay Ergo ahaan ugu tageen Odayaal ka tirsan beesha Xoghaye Ramaax, kuwaasi oo ka dalbanayey in uu cafis u fidiyo Guddoomiyuhu, isla markaana uu ka laabto dacwadiisa.

Baashe ayaa shuruud ku xidhay Odayaashii dalabkaasi u gudbiyey, isagoona dalbaday in arrinkaasi laga raali-geliyo oo aysan dibna u dhicin eedeymo noocaasi ah oo uu Xoghaye Ramaax u mariyo Warbaahinta.

“Ramaax Anigaa dacweeyay, waxaanan ku dacweeyay War uu iga sheegay, wuxuuna yidhi ‘Guddoomiyuhu wuxuu la shaqeeyaa Dad cadowga Somaliland ah’ aniguna waxaan ahay Guddoomiyihii baarlamaanka, haddaan Cadow la shaqaynayo waa inaan xilka ka dego, sidaas ayuu Ramaax ku xidhan yahay” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waan maqlay inuu yidhi Meelo kale ayaa la iga xidhay, laakiin Anigu ma ogi Cid kale oo uu u xidhan yahay, laakiin waxaan ogahay inuu u xidhan yahay Dacwad aan Anigu ka gudbiyey”.

“Ayaamahanba waxa ii imanayey Salaadiin iyo Odayaal xaggaa ka soo jeeda oo aanu arrinkaa ka wada-hadlaynay, Salaadiintu waxay i waydiisteen inaan Cafiyo (Ramaax) oo aan kiiska dib ula noqdo, Aniguna waxaan waydiistay in Raalli-gelina la iga siiyo, arrinkaasina aanu dib u dhicin”.