25 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Madaxda gobollada oo laga sugayo Kismaayo iyo DF oo lagu wado inay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ay gaaran Madaxda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa magaalada Kismaayo uga qeybgali doona shir khuseeya Khilaafyada kala dhexeeya dowlada iyo go’aanka Khaliijka ee sababta u ahaa xiisada jirta.

Shirka oo khaas u ah maamulada ayaa waxaa dhanka dowlada uga qeybgali doona keliya shaqsiyaad uu xushay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana jira warar sheegaya inuu diiday xubno ay dowlada u diri laheyd shirka.

Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ilaa iyo hadda gaaray Kismaayo ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyay in maanta Kismaayo laga sugayo inta badan Hogaamiyayaasha maamul Gobolleedyada kala ah Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in Axada Berri ah uu Kismaayo ka furi doono Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Hogaamiyaasha maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,balse waxaa la sheegay in Dowladda Federaalka ay dhaliilsan tahay shirkaasi islamarkaana ay u badan tahay in aysan taginba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News