Hogaamiye Kooxeed la sheegay inuu ka curtay Sh/dhexe gummaadna ka wado Balcad? (Eedeyn + Video).

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu eedeeyay inuu wax u eg hogaamiye kooxeednimo cusub uu ka wado degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, isag aoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya beesha degta halkaasi.

Beesha Degta Degmada Balcad ee Mataan Cabdulle, ayaa soo saartay bayaan ay eedeyn kulu dusha uga tuurta Mr. Jiinow.

Nuqul ka mid ah bayaankaasi oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online, ayaa u qornaa sidan:-

“Hogaamiye Kooxeed Cabdi Jiinoow, waxa uu dhowaan kusoo biiray masraxa dhiig cabista iyo gumaadka shacbiga Soomaaliyeed, waxaana uu saldhig ka dhigtay gobolka Shabeelaha Dhexe, oo ina adeerkiis ay isku beesha yihiin Ex-Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed uu si sharci darro ah ugu magacaabay guddoomiyaha gobolkaas.

Cabdi Jiinow, kama soo jeedo gobolkaas, dadkiisuna ma degaan, hase yeeshee waxaa Shariif uu halkaasi maamul ugu dhigay inuu xasuuqo dadka nabadda jecel ee halkaas ku nool, xoolahoodana boobo.

Cabdi Jiinoow, waxa uu dhowaan billaabay inuu si gaar ah bartilmaameed uga dhigto dadka degan degmada Balcad ee gobolka, isaga oo dul keenay ciidan xoogan, oo wixii xummaan ah oo ay ka gaaraan ka wada magaalada.

Hogaamiye Kooxed Cabdi Jiinoow, waxa uu billaabay inuu lacag baad ah ka qaato dadka deegaanka isaga oo adeegsanay magaca Canshuur.

Waxa uu xarrig ku billaabay odayaashii deegaankaa, ayada oo dhacdadii ugu naxdinta badneyd ee lasoo weriyay ayay ahayd inuu xiray oday 85 jir ah, oo xabsi ku hoyanaya iminka.

Waxaa jiray odayaal ka qeyliyay falkiisa wuxuushnimada oo isku dayay inay warbaahinta la hadlaan ayagana xabsi ayuu ku shubay.

Ciidankiisu qofkii ay doonaan ayay xabadda cabsiiyaan, ayada oo amar ka qaadanay isaga, waxaana la sheegay in dad dhowr ah oo deganaa magaalada ay dileen

Dagaal Ooge Cabdi Jiinow, ma jiro cid kala hadashay burcadnimadiisa iyo xasuuqa iyo tuugnimada uu ka wado degmada Balcad, laga billaabo beesha uu kasoo jeedo ee Harti Abgaal illaa dowladda Somalia, oo ayada aanba ka war heyn waxa shacabkeeda ku dhacaya.

Hogaamiye Kooxeed Jiinow waxa uu  ka faa’iideysanayaa xilliga kala guurka ah iyo is-beddelka labada dowladood ee Dowladdii Shariif Axmed iyo tan cusub, sidaa darteedna uu ka gaarsiinayo wixii burcadnimo ah ee uu ka gaaro, inta xil ku sheega uu ina-adeernimada ku siiyay Shariif Axmed laga qaadin.

Beesha Mataan Cabdulle ee degta degmada Balcad, waxa ay ka digeysaa in haddii aan si deg deg ah wax looga qaban Tuug Cabdi Jiinow ay tallaabo qaadi doonto, wixii cawaaqib ah ee ka dhashana ay qaadan doonto beesha uu kasoo jeedo, maadaama aysan isku dayeyn inay wax ka qabato”

Si kastaba nooma suurta galin inaan wax jawaab ah ka helno Cabdi Jiinoow, si uu uga hadlo eedeymaha culus ee loo soo jeediyay.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale cabasho ka dhan ah Jiinow muujiyay xubnaha beesha Mataan Cabdulle ee degan magaalada London ee dalka UK, halkan ka daawo.