Hoggaamiyihii Ahlu-Sunna oo tanaasulay taladiina ku wareejiyey wadaad kale

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulan aan loo kala kicin oo maanta ilaa galabta hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uga socday Madaxtooyada Inji ee magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw lasoo gaba gabeeyey.

Seddaxda wadaad ee ugu sareysa Ahlu-Sunna ayaa kulankooda uga arinsanayey waxa ay ka yeelayaan xaaladda cakiran ee Galmudug iyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay iyaga iyo dowladda federaalka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan uu tanaa-sulay, inla markaana uu hoggaamintii garabka Ahlu-Sunna ku wareejiyey Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-ashcari oo ka mid ah Seddaxda hoggamiye ee ugu sareysa Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in saacada nasoo aadan ay Ahlu-Sunna  soo saari doonto war-saxaafadeed ay ku cadeynayaan tanaasulka hoggaamiyahooda Macalin Maxamuud.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com