26.2 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Taliyaha xoogga dalka oo xil u magacaabay mid ka mid ah saraakiishii Ahlu-Sunna

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si rasmi ah u magacaabay taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee guutada 15-aad qeybta 21-aad ciidanka Militeriga ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay, Taliyihii ugu sareeyey ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladdu la wareegtay S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame.

Magacaabistan oo ah tii ugu horeysay ee uu sameeyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, ayaa kusoo aadeysa xili ay siyaasad cakiran ka dhex aloosantahay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka.

Halkaan ka akhriso warqadda

- Advertisement -

Read more

Local News