Hoggaamiyihii Jabhadaha Al-Shabaab iyo ilaaladiisii ‘oo lagu laayey’ Jubada Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan meel 50 KM u jirta xarunta gobolkaas ee Bu’aale.

Saraakiil u hadashay Danab waxay sheegeen in howlgalkaas bartimaameedkiisu uu ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamadu dileen isaga iyo ilaaladiisii.

Howlgalkaas waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Carabow oo 50-KM u jira magaalada Bu’aale, waxana lagu dilay Xasan Sufiyaan Qoorey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab iyo lix dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Saraakiisha u hadashay Danab waxay sheegeen in Xasan Qoorey uu ahaa hoggaamiyihii guud ee qeybta Jabhadaha loo qayaan ee ka dhex aas-aasan Al-Shabaab, kuwaas oo badanaa fuliya weerarrada tooska ah.

Saraakiishu ma shaacin wax khasaare ah oo ciidankii fuliyey howlgalkaas ee Danab soo gaaray, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah.