Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo bartanka uga jirta doorasho waqtigeeda dhaaftay oo hadana la boobayo, waxaa hor taalla su’aal ah nooca hoggaanka ay u baahan tahay xilligaan adag, si dalka looga samata bixiyo duruufaha adag ee is biirsaday.
Doorashada xildhibaanada oo la filayo in ay soo dhamaato 3-da todobaad ee na soo aadan, waxaa xigi doonta doorashada guddoonka labada Aqal ee baaramaanka iyo tan madaxweynaha Villa Somalia fariisan doona.
Hase yeeshee calaamad su’aal weyn ayaa dul hoganeysa nooca hoggaamiyaha xilligaan adag mudan in calanka loo dhiibo?
Khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan, quus shacab, dagaallo sokeeye, hey’adaha dowladda oo mar isku milma, marna wada shaqeyn waaya, waa caqabadihii soo taagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse hadda cabsi taas ka weyn ayaa muuqata.
Waxay dad badan oo xog ogaal u ah marxaladihii dalku uu soo maray ay tilmaameen in doorashadan ay ku jirto halis, taasi oo ah in laga wal-walayo hadii madaxweyne loo doorto shakhsi mucaarad ama muxaafad ah, in qolaba midda kale diiddo oo dalku yeesho dowlad lagu kala qeybsan yahay.
“Waa in laga fekeraa xalka ugu macquulsan oo looga fogaanayo dowlad isla Muqdisho qeyb kamid ah laga diidan yahay, waxaana lagu heli karaa madaxweyne in loo doorto shaqsi aan hadda kamid ahayn mucaaradka iyo muxaafadka is heysta,” ayuu yiri Prof. Cali Mareer oo ah aqoonyahan UK ku nool.
Waxaa bilihii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo dibadda aad u xoogeysatay aragti ku saabsan in Madaxweyne loo doorto shaqsi ka madax-banaan dhinacyada siyaasadda isku heysta xilligan, balse hana kara kalsoonida shacabka iyo aqbalaadda mucaarad iyo muxaafad, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka Soomaaliyeed ay jecelyihiin hadba wejiga cusub.
“Baarlamaanka waxaa ku soo biiray rag horay u dagaalay oo qaarkooda weli cuqdad isku qaba, kuwaas oo u badan saraakiil, weyna adag tahay in iyagoo qeyb guuleysatay ay qeybta kale aqbalaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo cabiray dareenkiisa xal u helidda xaaladda cakiran ee dalka.
Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah qaarkood waxay ku talinayaan in hogaan xilkas ah oo aan qayb ka aheyn iska horimaadyada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee muddo soo jiitamayay ay iftiiminayaan in Soomaaliya loo doorto hoggaan leh biseyl siyaasadeed iyo aragti fog, si dalka uu ugu horseedo deganaasho siyaasadeed, amni, cadaalad iyo horumar.
“Waxaan u baahanahay in la doorto shaqsi dal joog ah, xog-ogaal ah oo fahamsan dhaqanka, degan, qunyar-socod ah oo dad isku wad leh, kuna qanci karaan mucaarad iyo muxaafidba,” ayuu yiri Maxamed Ciise Caseyr oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee magaalada Muqdisho.
Deganaashaha siyaasadda, dib u habeynta garsoorka iyo sarreynta sharciga, sugidda amniga, dib u heshiisiinta dadka, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u habeynta hey’adaha dowladda, waa tiirararka ugu waa weyn ee loo baahi qabo marka laga baaqsado colaado kale oo doorashadaan ka dhasha.
Dooda ugu xoogan xiiligaan iyo hadal-heynta fadhiyada lagu falanqeeyo siyaasadda waa in la helo qof leh sumcad siyaasadeed, kana gadmaya dadka Soomaaliyeed ee qaran-jabku ku dhacay iyo saaxiibada caalamka oo mudo dheer nagu garab taagnaa in dalku cagihiisa ku istaago.
In xilligan hogaanka dalka loo dhiibo musharax ka soo jeeda Muqdisho ayaa sidoo kale lagu taliyay, iyadoo loo sababeeyay kalsoonida uu ka heli karo shacabka caasimadda iyo gobollada ku xiran Muqdisho, maadaama ay tahay halka colaadaha naafeeyay Soomaaliya ay ka taagnaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa intaas dheer, dadka Muqdisho ku nool ayaa dhibaatooyin badan tirsanaya, iyadoo 5-tii sano ee lasoo dhaafay laga xiray wadooyinkii ugu muhiimsanaa isku socodka caasimadda. Xildhibaanada soo baxay ee baarlamaanka iyo inta lasoo dooran doono ayay hortaallaa xal u helidda mushkiladda hoggaanka ee Soomaaliya.