Hoggaanka Al-Shabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray dabkii Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay dabkii xoogana ee uu ku shuf beelay suuqii ugu weyna magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Bayaan goor sii horeysay kasoo baxay hogaanka sare ee xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in bulsho weynta reer Hargeysa la qeybsanayaan xanuunka musiibada ka dhalatay dabkaasi.

“Waxaan fursadaan uga faa’iideysaneynaa in aan la qeybsano walaaleheena ku dhaqan magaalada Hargeysa murugada ku aadan musiibada weyn ee ka soo gaaray dabkii xooganaa ee ka kacay suuqa magaalada, waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu idinka ajar siiyo, musiibadaasna kheyr idin kugu bedelo” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xarakada.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xarakada ayaa lagu dhiiri-geliyay dadka reer Hargaysa inaysan quusanin, maadama masiibada ku dhacday ay tahay mid qadarta Alle ku timid.

“Ha quusanina oo ha murugoonina. Allaah wuxuu kafaala qaaday arsaaqda adoomada, imtixaanka la isku imtixaamayo dhaqaalahana waa qadar la mid ah qadarta Allaah ee ku dhacaysa nafta, arimaha aduunyaduna ma mudno in laysku murjiyo, sababtoo ah waa wax iska dhamaanaya.”

Qoraalka kasoo baxay hogaanka sare ee ee xarakada Al-Shabaab ayaa imanaya ayada oo suuqa Waaheen oo ahaa suuqa ugu weyn ee magaalada Hargeysa uu ku shuf beelay dab ka holcayay saacado badan.

Khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay masiibadaas ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland ku sheegen warbixin hordhac ah inay dhan tahay ku dhawaad 2-Bilyan oo dollar, ayada oo arrintaan si weyn u gil-gishay quluubta shacabka Soomaaliyeed.