Hooyo QAALI oo si qiiro leh uga jawaabtay tallaabadii uu qaaday Farmaajo + Video

Muqdisho (Caasimada Online)-Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan-seyrtay guddiga uu caawa Farmaajo u magacaabay baaritaanka kiiska gabadheeda, iyadoo sheegtay in kiiskaas ay baaritaankiisa u daba fadhiyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Kuma qanacsanin, mana aqbali doonno guddiga uu  madaxweyne Farmaajo u xil-saaray baaritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanacsanahay maxkamadda ciidamada oo aan horay ugu gudbinay dacwadda kiiska gabadheyda,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Waxay sheegtay in hadii Farmaajo uu sii wado is hortaaga baaritaanka kiiska gabadheeda ay u qaadanayaan in isagu uu bixiyey amarka lagu afduubtay Ikraan.

“Hadii is hortaagaan uu ka waantoobi waayo, waxaan Madaxweynaha ka gudbineynaa dacwad, dal iyo dibadna waan ka dacwey doonaa Farmaajo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay hooyo Qaali.

Maama Qaali oo sii hadleysay ayaa tiri, “Farmaajo kiiska gabadheyda Ilaahey waa uga baqi waayey, gabadhiisa camal waa uga baqi waayey, inuu madaxweyne u yahay waa uga baqi waayey, laf dhuun gashay ayuu Farmaajo nagu noqday, waxaan Ilaahey SWT uga baryaa inuu gurigiisa, golihiisa iyo caruurtiisa inuu ka arko.”

Sidoo kale Qaali Maxamuud Guhaad ayaa digniin u dirtay laba xildhibaan oo la kala yiraahdo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda Ikraan.

“Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, midna Fahad ayuu qaraabo la yahay midna Madaxweynaha, umadda Soomaaliyeedey arka in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Ugu dambeyntii Maamada ayaa sheegtay inay ku kalsoonyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble oo cadaaladda kiiskaas ay isaga ka sugayaan, “Umadda Soomaaliyeed oo markii horaba i garab taagneed, waxaan leeyahay arka gardarada Farmaajo iyo labadaas nin ay igu hayaan.”

Hoos ka daawo Hooyo Qaali