Afar guddi oo la la’yahay oo muujinaya qorshaha Farmaajo ee guddiga Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u saaray in ay soo baaraan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo sababtay khilaaf aad u adag oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay labadii sano ee la soo dhaafay magacowday guddiyo kala duwan, si ay u soo baaraan xaalado abuuray hadal hayn badan oo bulshada dhexdeeda saameyn ku lahaa. Guddiyadaas ayaan dib loo maqlin, mana aysan soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaannadii loo diray.

Guddiga Farmaajo uu caawa magacaabay ayaa imanaya, xilli uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Daahir Maxamuud Geelle oo horraantii bishan ka hadlayay arrimaha guddiyada la magacaabo ayaa yiri: “Marka arrinta la marin-habaabinayo waxaa la dhahaa ‘guddi u saara’.

“Anaga arrinkaa waayo-arag baan u nahay. Guddiyo badan oo la iska daba sameeyay ayaa jiraan oo wax xaqiiqo ah aan keenin. Marka waxaan rabnaa in guddi loo saaray aysan arrinta ku ekaanin”, ayuu yiri Daahir Geelle.

Arrimaha guddiyada loo saaray waxaa ka mid ahaa dhimashadii Alle ha u naxariistee Cabbaas Siraaji, oo ahaa wasiir iyo xildhibaan oo bishii May, 2017-kii lagu dilay Muqdisho. Guddigaas weli wax cad ma aysan keenin.

Sidoo kale, Ka dib markii la dilay gudoomiyihii degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, Cabdixakiim Dhagajuun, bishii January ee sannadkan, dowladda waxay magacowday guddi baaritaan, balse weli xaqiiqo raadintii ma aysan ka soo warcelinin.

Haddii aan eegno qaar ka mid ah guddiyadaas waxaa ka mid ahaa:

Qarixii Xarunta Gobolka Banaadir

Bishii July, sannadkii 2019-kii, wuxuu qarax wayn ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka iyo qaar ka mid ah agaasimeyaashiisa.

Alle ha u naxariisto, Cabdiraxmaan Yariisow oo dhaawacmay ayaa loo qaaday dalka Qatar, halkaas oo uu ku dhintay.

Ka dib dowladda waxay u saartay guddi baaritaan ku sameeya qaraxaas, balse wixii ka soo baxay arrintaas ayaana dadka lala wadaagin. Waxaa jiro warar sheegaya in qeyb ka mid ah baaritaanka wixii ka soo baxay loo gudbiyay masuuliyiinta dalka.

Qaraxa waxaa ku dhintay masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyayaal, Agaasimayaal iyo dadkale oo katirsanaa maamulka gobolka Bnaadir.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaameen in bartilmaameedka uu ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalintaa booqasho ku tagay xarunta gobolka Banaadir.

Askartii loo diray Eritrea

Ka dib markii ay dheceen isu soo baxyo ay sameynayeen dad kala duwan iyo waalidiin ka cawanayay in carruurtooda loo qaaday dalka Eritrea, ka dibna ay “ka dagallameen Itoobiya”, waxaa la saaray guddo soo baara arrintaas.

Bishii July, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiintaas.

Waxay dadkaas sheegayeen “in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.”

Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnood ayaa la sheegay in ay u kuur geli doono xaaladda dhalinyarada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, ayaa weli soo saarin warbixinta baaritaankooda.

Maalmo ka hor intaan guddigaas la dhisin, waxaa BBC Somali la hadashay hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo.

“Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan.

“Dhibaato badan ayey sheeganayaan, Ilaahay subxaanahu watacaalaa ka socokow cid kale oo bini’aadam ah oo noo doodaysa oo aan sugayno ma jirto ayuu igu dhahay.”

Dhacdadii 19-kii February

Maalintaas waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay isu soo bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo diidanaa dib u dhaca doorashada dalka.

Musharrixiintaas ayaa sheegay in rasaas lagu riday, ayna kala carareen. Qaarkood oo saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in la damacsanaa “in la dilo musharrixiinta”.

Khilaafkaas oo aad u cakirmay, wuxuu sababay in ciidamo gadoodsan ay magaalada Muqdisho soo galaan, balse markii dambe waxaa kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrixiinta, waxayna isku raaceen in la dhiso guddi soo baara dhacdadii 19-kii Febraayo.

Sidoo kale, habeenkii ka horeeyay wuxuu “weerar ka dhacay hotel ay degannaayeen” madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Guddigaas oo ahaa mid madax-bannaan oo ka koobnaa lix xubnoo, ayaan weli soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaankii ay sameeyeen. Waa guddi isku-dhaf ah oo ka kala socday mucaaradka, dowladda.

‘Afduubkii’ Ikraan Tahliil

Bil ka dib markii la waayay Ikraan Tahliil, Xeer Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qalabka Side, ayaa guddi u saaray arrintaas si ay u soo baaraan.

Janaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda, si ay u soo baaraan Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xilligaas, waalidiinteeda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta waxay tuhmayeen in hay’adda NISA ay “ku dhex maqan tahay” gabadhaas oo mar ka shaqeysay xafiiskii Yariisow, intii uu ahaa Gudoomiyaha Banaadir.

Guddigaas weli lagama hayo warbixin ku saabsan baaritaankooda, balse dhowaan ayay dowladda shaacisay in “Al-shabaab ay dileen Ikraan” taas oo ururka iyo waalidkeedaba ay beeniyeen.

Arrinta Ikraan ayaa khilaaf ka dhex abuurtay labada xafiis ee dalka ugu sareeya, taas oo weli taagan. Waxay sababtay in isbedello iska soo horjeeda ay sameeyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku kala socday NISA iyo wasaaradda Amniga.

Waxaa mudo bil ka badan nolol iyo geeri aan lagy heyn Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, waxaana gabadhan markii ugu dambeesay gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan.

Gabadhan ayaana kiiskeeda hadal heyn badan abuuray, waxaana Ehelada gabadhan ,xildhibaano, iyo siyaasiyiin kalaba sheegeen in Ikran tuhmayaan in ay afduubteen ama dileen saraakiil sar sare oo katirsan Hay’adda NISA.

Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa Faray Taliska ciidamada Nabad sugida in ay kala shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan.

Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Ikraan Tahliil Faarax, kuwaa oo tuhmaya in maqnaashaha gabadhooda Taliska NISA ku lug leeyihiin.

Isha: BBC SOMALI