Horjoogayaal iyo dagaalyahaano ka tirsan Daacishta Masar oo lagu dilay duqeyn

Qahira (Caasimada Online) – Duqeymo culus ayaa ka dhacday Gacan biyoodka Siinaay taa oo lagu dilay Horjoogayaal iyo dagaalyahaano ka tirsan maleeshiyada Daacishta Masar.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu khaarijiyay 19 Horjoogayaal iyo Dagaalyahano ka tirsanaa Daacishta Masar xili ay la socdeen gaadiid.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Masar ayaa sheegtay in maleeshiyaadka la khaarijiyay ay la socdeen 4 gaari oo ay Kooxdaasi lahaayeen.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in Daacishta Masar ay wadaan dhaqdhaqaaqyo dhul ballaarsi ah, waxa ayna tilmaantay inay soo afjari doonto dhaqdhaqaaqaasi.

Wasaaradda Difaaca Masar ayaa sheegtay in Daacish ay la gali doonaan dagaal cirka iyo dhulka ah, si loo soo afmeero dhaqdhaqaaqooda.

Dhinaca kale, Masar ayaa baareysa magacyada Horjoogayaasha iyo Saraakiisha Daacishta lagu laayay Gacan biyoodka Siinaay.

Caasimada Online
Xafiiska Qahira
Caasimada@live.com