Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo iyo dagaallo culus oo maanta ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu naafeeyay kooxda khawaarijta Al-Shabaab.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar Macallin oo shir jaaa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlgallada maanta dhacay, wuxuuna sheegay in guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda.
Sheekh Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhacay aagga Moqokori lagu jabiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weerar soo qaaday, isla markaana laga xoreeyay deegaanka Gumarre oo hoostaga degmadaasi.
“Khawaarijta Al-Shabaab ayaa waxay isku dayeen in weerar naf la caari ah kusoo qaadaan deegaanka Gumarre oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraa, dagaal saaka soo bilowday ayaa saacado kooban kadib cadowga waxaa lagu gaarsiiyay jab wayn,” ayuu yiri afhayeenka wasaaadda gaashaandhigga Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaas lagu khaarijiyay ku dhowaad 10 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab, welina ciidamada ay howlgallo culus kasii wadaan halkaasi.
“Ku dhowaad 10 dhagar qabe ayaa laga dilay cadowga, waxaana deegaana ku sugan ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale, waxa uu ka warbixiyay howlgallo kale oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada Guulane, Daarunimca iyo Alkowsar, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda A-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaas.
Afhayeenka ayaa xusay in laba horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay Guulane, kuwaas oo uu magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Cadow iyo Cali Xabad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cagta la mariyay fariisimo ku yaallay deegaankaasi.
“Howlgalka ka dhacay deegaanka Guulane waxaa lagu dilay laba horjooge oo cadowga islaamka ahaa, aadna u dhibaateyn jiray shacabka ku nool Shabeellaha Dhexe, labadaas horjooge oo lagu kala magacaabo Maxamed Cadow iyo Cali Xabad” ayuu mar kale yiri.
Xaaladda deegaannada lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan guusha ay sheegatay dowladda Soomaaliya.

