Horjooge Aadan Dhaayow oo gacanta lagu soo dhigay

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen agagaarka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay Kuunyo Buurow ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo ka tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna soo qabtay Horjooge Dhaayow.

“Howlgal Qorshaysan oo Ay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ka fuliyeen tuulada kuunyo buurow oo 30km dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Buur-Hakaba ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale ciidamada ayaa weli sii wada howlgalkooda, waxayna isku fidiyeen deegaano kaabiga ku haya degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.