Hotel qaali ah oo la dajiyey lamaanihii dartood loo dilay Axmed Dowlo iyo sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid kamid ah Hotelka lacagta ugu badan lagu seexdo ee ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa la dajiyey Labadii Lamaane oo dartood loo dilay loona gubay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Dowlo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dajisay lamaanahaan Hotel lagu seexdo habeenkii inta u dhaxeyso 100-150 Dollar.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Labadaan Lamaane ayaa loo dhigayaa aroos cusub oo ku celis ah waxayna todobada uga bixi doonaan Hotelkaas.

Lama sheegin ciddda sida gaarka ah u bixineysa kharashkan, waxaase hore u balanqaaday madaxtooyada Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada.

Labadaan Lamaane ayaa waxaa daraarood loo dilay nin Adeer u ahaa wiilka gabadha guusaday kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Dowlo waxaana dil naxariis darro ah u geystay qoyska Gabadha uu guursaday.

Dadkii ka dambeeyey dilka ayaa waxay ku jiraan gacanta dowladda waxaana la rajeenayaa in dhawaan lasoo taago Maxkamad si looga abaalmariyo dambigii ay geysteen inkastoo ay socdaan olole lagu doonayo in arrintaas looga hortago.

Labadaan Lamaane ayaa asbuucaan qabsaday Baraha Bulshada iyo dhammaan Saxaafadda, wuxuuna kiiskaan noqday midkii ugu naxdinta badnaa ee ku saabsan heybsooc Guur .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com