Aadan Barre oo Farmaajo u jeediyey talo ku aadan sidii uu ka yeeli lahaa MADAXDA maamul gobolleedyada

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Aqlibiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbaday in uu dalka Badbaadiyo.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku socoto Waddo aan lagu Farxin, Maadaama maamul goboleedyadda ay diideen Baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay muhiim tahay xal ka gaaridda Khilaafka Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyadda, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in uu ka roonaado maamulada.

Aadan Barre Ducaalle ayaa sheegay inta ay dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsaneyd Maamul goboleedyadda in Ammaanka Caasimadda uu faraha ka baxay.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dilalkii ka dhacay Muqdisho ee ardeyda iyo dadka kaleba loo geystay.

Khilaafka ka dhex taagan maamulada iyo dowladda dhexe ayaa gaaray meel Sare ka dib maamul goboleedyadda ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu Aadan ku dooday in Federaalka Soomaaliyaba loo sameeyay khilaaf iyo waqti iska lumin, marka loo eego sida ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu isaga ka roonaado dowlad Goboleedyada maaddaama isaga ay hoostagaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com