Howl-gallo culus oo ka socda degaano ka tirsan HirShabelle

Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Faarax Waasige Kooshin oo ka warbixiyay howl-gallada socda, ayaa waxa uu sheegay in howl-gallo ka dhacay gobolka Hiiraan kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay waxyeelo kala duwan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaano badan oo hoostaga Aadan Yabaal, Ceel Cali Axmed, Buq-aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle.

Howl-galladaasi ayuu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, kuwaasi ii naf iyo maalba leh.

Korneyl Faarax Kooshin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka ku nool deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay kaalintooda ka qaataan dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah.

Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-gallada lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan, xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.