Howl-galo ay horkacayeen Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale oo lagula wareegay degaano

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta waxay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howl-galkaan ayaa waxaa hogaaminayay Xildhibaannada kala ah Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale, waxaana Ciidamada ay dagaal la’aan la wareegeen degaanada kala ah; Cadcadeey, Cadaan laxeey, Nuur Dugle,, Maxaad Siciid , Booska Xasan Geedi, iyo Ceelka Maraweyne.

Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay ku yaallan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud.

Saraakiisha horkaceysay howl-galka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan wax iska caabin ah kala kulmin dagaal-yahaanada Al-Shabaab, oo iyagu isaga baxay markii ay ka warheleen ciidamada kusoo wajahan.

Howl-galadaan ayaa sii socon doona illaa inta laga gaarayo degaanada gobolka Galgaduud, haatana ay ku dow yihiin degmada Aadan-yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen saraakiishu.

Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka dagaal ee kooxda Al-Shabaab looga saarayo Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan dalka, kaasi oo illaa hadda deegaano badan looga fara-maroojiyay kooxda.