Abshir Macallin Idiris oo isku soo dhiibay ciidamada DF

Xudur (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Diinsoor.

Abshir Macallin idiris, oo magaciisu afgarashadu ay yahay Sahal, ayaa isku soo dhiibey ururka 154-aad ee taliska guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka ee fadhiggooda yahay degmada Diinsoor.

Abshir ayaa markii uu isisoo dhiibayey watay qori nooca AK47 ah iyo booshkiisa, wuxuuna kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadda ama kuwa weerarada gaysta, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Wuxuu sheegay inuu kasoo qeyb galay weeraro badan oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ninkan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 5 sano ah, wuxuuna sheegay inuu markii uu kooxda ku biirayey ku sugnaa degaanka Gurbaan ee gobolka Baay

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad waxa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya, iyada oo ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay cafin doonto cid kasta oo Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibta ciidamada dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda waxaa ku socdo kacdoon culus oo looga soo horjeedo kaasoo hadda si rasmi ah uga socdo gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Mudug.